Kufriga caalamiga ah ee duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka soomaaliya ayaa wajahaya marxalad aad u adag oo dhan walba ah kadib 18 sanadood oo ay dalkan ka hurinayeen dagaal ka dhan ah islaamka iyo ehelkiisa.
Ururka midowga Yurub oo ku dhowaad labaatan sano kaligiis ku ahaa maalgelinta ciidamada kufaarta afrikaanta ayaa hadda gacanta ka taagay sii wedidda maalgelintan sababa laxiriira jeebabkooda oo sii faaruqaya in natiijo lagu qanci karo oo ay soo hoyn waayeen ciidamada calooshood ushaqeystayaasha afrikaanta ah.
Josep Borrell oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ururka Midowga Yurub oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka dardaar weriyay mustaqbalka ciidamada afrikaanta ee ku sugan soomaaliya wuxuu sheegay in illaa iyo hadda aan aragti midaysan laga laheyn sida uu noqonayo howlgalka cusub ee AUSSOM iyo dowladaha ka qeyb qaadanayo.
wuxuu carrabaabay in midowga Yurub iyo xulufadiisa aysan heyn dhaqaalihii lagusii wadi lahaa duullaanka afrikaanta ee dalka soomaaliya.
isagoo ka jawaabayay su’aalo laga weydiiyay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan geeska afrika iyo halka uu marayo dagaalka ka dhanka ah mujaahidiinta alshabaab ayuu sheegay in aysan iyaga umuuqan guulweyn oo ciidamada afrikaanta ah ay ka keeneen soomaaliya islamarkaana ay muddo dheer kali ku ahaayeen bixinta mushaaraadka ku baxa ciidamada afrikaanta.
Midowga Yurub oo hadda umuuqda mid daalay islamarkaana lakulmay fuuq bax maaliyadeed ayaa ku baaqay in culeyska lala qeybsado wuxuuna usoo jeediyay waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo Midowga Afrika in ay bixiyaan qeyb kamid ah qarashka ku baxaya calooshood ushaqeystayaasha ku sugan soomaaliya arrinkaas oo udhigma in uu leeyahay “howlku masii jirayo haddii aan dhibka lawad qeybsanayn”.
qeylla dhaanta ka timid midowga Yurub ayaa imaanaysa xilli reergalbeedku ay fuuq bax dhaqaale ku wajahayaan dagaallada ka socda Yukreyn iyo magaalada qaza ee dhulka Falasdiin iyagoo bil walba balaayiin dollar siiya xukuumadaha Yahuudda iyo Yukreyn.
Cabsida ugu daran ee hadda haysata dowladaha reer Yurub iyo kuwa afrika ayaa ah in Trump uu jari doono dhaqaalihii faraha badnaa ee Mareykanku ku bixin jiray dalalka dibadda