Midowga Yurub oo Hanjabaad Hawada u Mariyey Mareykanka.

Feb 11, 2025

“Midowga Yurub wuxuu diyaar u yahay inuu saacad gudaheed kaga jawaabo haddii Maraykanku uu canshuuro ku soo rogo Midowga ” waxaa sidaas lagu bilaabay warbixin uu daabacay wargeyska Pravda.

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku sheegay in dalalka yurub ay heegan buuxa ugu jiraan talaabo walbo oo dhaqaale oo ka timaada dhanka nidaamka cusub ee Mareykanka, haba ugu horeysee canshuuraha xad dhaafka ah ee uu wayaahan dambe Trump saarayo wadamada ugu waaweyn caalamka.

Mar Olaf Scholz la weydiiyey hadii midowga yurub uu qaadi karo talaabo xoogan oo si deg deg ah u saameyn karta Mareykanka ayuu ku jawaabay ” haa waan qaadi karnaa taalabdaas waliba saacad gudeheed” taasoo ka dhigan in ururku uu markan dhakasho ugu jiro talaabooyinka Mareykanka.

Hadalkan uu jeediyey hogaamiyaha Jarmalka ayaa dabcan muujinaya sida dalalka galbeedka xaaladooda ay heegan ugu jirto, iyagoona filasho xilli walba ugu jira dharbaaxooyinka uga imaan kara dhanka xukuumada Washington.

FAAFREEB PRO