Midowga Yurub oo ka Hadalay Fadeexadii Zelensky ku Qabsatay Aqalka Cad.

Mar 2, 2025

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa si kulul kaga falcelinaysa sida uu Trump u bahdilay dhigiisa Zelensky, inta uu maalinimadii Jimcaha ku sugnaa gudaha Aqalka Cad Mareykanka, isaguna waa qodob kale oo uu wax ka daabacay joornaalka The Hill.

Haweeneyda lagu magacaabo Kaja Kalas oo ah Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegtay in waxa uu ku kacay Donald Trump ay tahay mid digniin cad u direysa iyaga, loona baahanyahay iney waqti xaadirkaan dunida hesho hogaamiye cusub.

waxayna tiri “ Maanta waxaa caddaatay in dunidda xorta ah ay u baahan tahay hoggaamiye cusub, annaga ayeyna nagu xirantahay inaan iska hor qaadno caqabadan.”

Waxay iyadoo hadalkeeda sii wato ay tir “Ukrayn waa Yurub, waana garab taaganahay kor ayaana u qaado doonaa taageeradeeda aan siineyno marwalba, waxayna sii wadi doonaan iney la dagaalamaan gardarada” dabacan midaan oo si aad ah uga hor imaaneysa doonista Trump ee ah in lasoo afmrro colaada Kyev iyo Moscow.

Si kasbata ha ahaatee ilaa hadda dunida waxay si aad ah u hadal heysaa waji gabaxii iyo bahdilkii uu Vladamir Zelensky kala kulmay gudaha aqalka cad, heer xubnihii Zelensky la socday ay gaareen iney ilintu kusoo istaagto maadaama warbaahintu ay qaab Live u tabineysa sida dhulka loogu jiiday.

FAAFREEB PRO