Milatariga Suudaan oo La Wareegay Xarumo Muhiim Ah

Jan 25, 2025
Kadib dagaallo culus oo dhowr isbuuc qaatay ayay ciidamada xukuumadda melleteriga Suudaan waxay dib ula wareegeen gacan ku heynta saldhigyo melleteri iyo dhowr xaafadood oo katirsan magaalada Kharduum ee caasimadda dalka Suudaan.
Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Alburhaan ay dib ula wareegeen gacan ku heynta xarunta taliska guud ee ciidanka oo udhiganta dhismahaha wasaaradda difaaca.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka ayaa lagu sheegay in sanad iyo bar kadib hareeraynta laga qaaday taliska guud ee ciidamada islamarkaana khasaara lixaad leh lagaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Imaaraatku taageero ee loo yaqaan Dacmu Sariic ama RSF.
Muuqaallo lagasoo qaaday goobta dagaalka ayaa muujinayay ciidamada xukuumadda dabadhilifka Suudaan oo ku dabaal degaya gudaha taliska guud ee melleteriga iyo dhammaan dhismayaasha ku hareeraysan.
Saraakiisha ayaa ku faanay in ay laayeen boqolaal katirsan maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha Imaaraatku taageero ee gudaha Suudaan looga yaqaan Janjawiidka.
Sidoo kale melleteriga Suudaan ayaa lawareegay gacan ku heynta mucaskarka weyn ee loo yaqaan Al Ishaarah kaasi oo kuyaal bartamaha magaalada Khartuum Baxri.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada melleteriga ay gudaha ugaleen magaalada Jeyli oo qiyaastii 40Km ujirta caasimadda Alkharduum, wasiirka warfaafinta xukuumadda Suudaan ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in ay qabsadeen inta badan xaafadaha magaalada.
Jeneraal Alburhaan ayaa la arkayay isagoo gudaha usii gelaya magaalada Jeyli taqadumkan ay sameynayaan ciidamada xukuumadda melleteriga Suudaan ayaa imaanaya laba isbuuc kadib markii ay kooxaha fallaagadu ay khasaariyeen magaalada Wad Madeni oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn wadanka Suudaan