Militariga Sudan oo Weerar Xoogan ku Qaaday Hoyga Safiirka UAE ee Sudan.

Sep 30, 2024

Xukuumada ridada ah ee Abu Dubai ayaa ku eedeeysay Ciidanka Milatariga dalka Sudan in ay weerar dhanka cirka ah ku qaadeen hoyga safiirkooda ee magaalada Khartoom.

Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta waxay intaas ku dartay in hoyga safiirkeeda ee Khartoum ay weeraareen diyaaradaha militeriga Sudan, iyadoo weerarkaasi ku tilmaamay mid xooganaa oo aysan ka muuqan wax u turid ah.

Xogta warbixintan oo ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters waxay intaasi ku dareysaa, in wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ay xaqiijisay in weerarkaas uu sababay burbur ballaaran oo soo gaaray dhismaha dhismaha uu daganaa safiirkan.

Markii aynu fiirino dhanka ciidamada Sudan ilaa hada ma aysan ka jawaabin eedeynta loo soo jeediyay, mana cada hadii uu goordambe iska bari yeeli doono militariga Suudan arinkaan.

Dowlada Sudan ee wajeheysa loolanka xoogan ayaa marar badan xukuumada Abu Dubai ku eedeeysey inay hub iyo taageero siiso xoogagga RSF, kuwaas oo muddo 17 bilood ah dagaal ba’an kula jira milateriga dalka Sudan, hadaba iyo militariga wadankaan uu ka duulayo arimahaas ayuu siyaabo kala duwan mudooyinkan dambe u beegsadaa dhamaan masaalixda gaarka ah ee Imaaraadka Carabta.

FAAFREEB PRO