Mooshin Kadhan Ah Xukumada Xamza Cabdi Barre oo Kenya Kasocda.

Jan 30, 2025

Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo ay leeyihiin xildhibaanno ka tirsan kooxda riddada iyo madax ka tirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland waxaana kulamadan looga soo horjeedaa xukuumadda Xamza Cabdi Barre.

Siday ay wararku tibaaxayaan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka riddada kuna sugan magaallada Nairobi, ayaa bilaabay diyaarinta mooshin la doonayo in xilka looga xayuubiyo R/wasaaraha kooxda riddada Xamse Barre, marka uu dhawaan furmo kalfadhigga lixaad ee Baarlamaanka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay sii kordhayso tirada xildhibaannada riddada ee isku qoraya ka qeyb-qaadashada mooshinka ka dhanka ah Raysalwasaare Barre, kuwaas oo isugu jira xildhibaanno horey mucaarad usoo ahaa iyo kuwa muxaafid ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in durtaba kooxda riddada Soomaaliya ay bilawday dedaallo ay kaga hor-tageyso mooshinka xil-ka-xayuubinta ah ee guuxiisa bilowday, waxaanay xiriir la samaysay guddoomiyaha baarlamaanka Murtad Aadan Madoobe oo sida la sheegay ay ka codsadeen in aanu qaban mooshin aysan raalli ka aheyn.

Xildhibaan Cabdinuur Cali Aadan oo kamid ah xildhibaannada ololaha siyaasadeed ka wada Kenya ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in ay jiraan kulamadaasi isagoo eedayn kulul ujeediyay xukuumadda Xamza Cabdi Barre.

Abaabulka mooshinkan ayaa ku soo aadaya iyadoo madaxa maamulka la baxay Jubbaland Murtad Axmed Madoobe uu joogo Nairobi, isla markaana uu meel xun maraayo khilaafka kala dhexeeya isaga iyo Xamse Cabdi Barre, kaas oo sii xoogaystay wixii ka dambeeyey dagaalkii Raaskambooni ee lagu jabiyey maleeshiyaadka Gurguurte.