Mudaaharaadyo Looga soo Horjeedo Siyaasada Trump oo ka Dhacay Gudaha Dalka Mareykanka.

Feb 15, 2025

Dibad baxyo ka dhan ah siyaasadda Trump ayaa ka socda magaalada Boston ee dalka Mareykanka iyo taageerayaasha xisbiga dimuquraadiga oo billaabay kacdoon ka dhan ah xisbiga talada la wareegay ee Jamhuuriga.

Sida uu nashriyey wargeyska Al-Qudus Al-Carabiya boqolaal dad ah ayaa isugu soo baxay magaalada Boston maalinimadii Jimcaha ee lasoo dhaafay, iyagoona sitay boorar ay ku hardhanyihiin ereyo ka dhan ah siyaasada cusub ee uu xafiiska la yimid Trump, iyagoona ku dhawaaqayey “Jooji afgambiga, ogowna waxaan jecelnahay dimuquraadiyada”.

Waxay sidoo kale dibad baxayaashaan sheegayeen iney si aad ah uga soo horjeedaan ficilada uu ku dhaqmayo Elon Musk oo ay ku tilmaameen inuu yahay lataliyihiisa gaarka ah ee u go’aamiya dhamaan arimaha kasoo horjeeda dimuquraadiyiinta.

Sida muuqata midan ayaa bar bilow u noqoneysa xaalado diba baxyo ah oo la saadaalinayo iney ka dhacaan gudaha dalka Mareykanka, hadii siyaada Trump ay sidan kusii socoto, waxayna midan sababi kartaa in ninkan uu muddo xileedkiisa ku dhameysto xaalado qalalaaso ah oo sababi doona dhibaatooyin siyaasadeed oo fara badan.

FAAFREEB PRO