Khasaara lixaad leh ayaa markale dhabarka loo saariyay ciidamada xukuumadda dabadhilifka Burkina Faso ,kadib weerar gaadmo ah oo ay qaadeen dagaalyahanada jihaadiga ah ee taabacsan Jamaacada Nusratul Islaam walmuslimiin.
Wararka ka imaanaya galbeedka qaaradda afrika ayaa sheegaya in weerar si aada loosoo qorsheeyay oo ka dhacay deegaan ku dhow magaalada caasimadda ah ee Wagaduugo uu sababay dhimashada inkabadan 200 oo askari.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay mujaahidiinta Nusratul Islaam walmuslimiin dagaalyahanada jihaadiga ah ayaa iqtixaamay saldhigo isku raran ah oo kuyaal mandiqadda Baarsaloogo oo ah difaacii ugu dambeeyay oo ay ku sugnaayeen ciidamadada Ashahaamudka ah ee loogu talagalay in ay difaacaan caasimadda Burkina Faaso.
Mujaahidiintu waxay sheegeen in ay dileen 200 oo qof kuwaas oo ubadan ciidamada ashahadda ladirirka Burkina Faaso iyo maleeshiyaad dabadhilifyo ah oo taabacsan shirkadda calooshood ushaqeysatada Faagnar.
Wargeyska Al Khaliij soo xiganaya dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalyahannada islaamiga ah ay saldhigyada ciidanka dowladda kadaabusheen saanado hub ah iyo gaadiid dagaal.
Wariye ku sugan mandiqadda lagu dagaallamay ayaa soo sheegay in uu arkay askar maxaabiis ah oo ay qandaanqadinayaan dagaalyahannada jihaadiga ah, taliyaha ciidamada Burkina Faaso ayaa bishii hore amar kusiiyay ciidamadiisa in ay godad ka qotaan meel 40Km ujirta magaalda istiraatiijiga ah ee Kaaya bartamaha Burkina Faaso waana goobta lagu laayay ciidamada Burkiiniyiinta ah.
Wargeyska Alkhaliij wuxuu warbixiinta kusii daray in jihaadiyiinta xiriirka laleh Alqaacidada Maqribul Islaami ay hanteen kalabar masaxaada dhulka ee Burkiina Faaso