Muqdisho-Iska hor Imaadyo Dhaxmaray Murtadiinta iyo dad Shacab ah oo la Dilay.

Aug 27, 2024

Dilal siyaabo kala duwan u dhacay ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga soo wariyay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay isu gaysteen maleeshiyo ka tirsan murtadiinta iyo sidoo kale kuwa loo gaystay dad shacab ah.

Mid ka mid ah iska hor’imaadyada u dhaxeeyay maleeshiyaadka dowladda Riddada ayaa ka dhacay suuqa Bakaaraha, waxaa halkaas ismari waa iyo kala shaki soo kala dhex galay maleeshiyo ka tirsan sirdoonka iyo kuwa booliska uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada.

Askari booliska Riddada ka tirsan, ayaa la xaqiijiyay in iska hor’imaadka labadaasi maleeshiyo dhexmaray lagu dilay, halka mid kale oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Riddada ah la dhaawacay.

Iska hor’imaadka labaad ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafadda Haanta dheer ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku dagaallamay maleeshiyaad ka wada tirsan murtadiinta, ilo wareedyo ayaa sheegay in iska hor’imaadkaasi ay ku dhaawacmeen laba askari oo murtadiin ah.

Dhacdada saddexaad ee magaalada Muqdisho ka dhacday ayaa si gaar ah looga soo tabiyay warashadda caanaha, askari ka tirsan maleeshiyaadka waxay ugu yeeraan millatariga Riddada ayaa halkaasi ku dilay qof shacab ah.

Iska hor’imaadyada hubeysan ee u dhaxeeya maleeshiyada murtadiinta ayaa kusii xoogeysanaya gobolka Banaadir iyo duleedkiisa, waxayna maleeshiyaadkaasi badi isku qabtaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaataan dadka shacabka ah.

Kusoo biir bareheena Telegramka 👇

https://t.me/Faafk4

https://t.me/Faafk5