Sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah xukuumada ridada ah ee Muqdisho ayaa ku howlan muddo kordhin ay u sameyso qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ridada ee ka jira dalka.
Maamulada ridada ah ee la qorsheynayo in loo sameeyo muddo kordhintan waxaa kamid ah Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxayna midan sida lagu waramayo dhalin doontaa khilaaf xoogan oo markale ka dhax qarxa gudaha kooxda murtad Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in midan ay ka hor imaan doonto heshiis ka dhacay kulankii ugu dambeeyey ee ridada ay ka yeesheen waxa loogu yeero madasha wada tashiga qaranka, kaasoo ahaa in bisha June 2025 la qabto doorasho qof iyo cod ah.
Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyadaan ridada ah ay yeesheen kulamo qorsoodi ah, iyagoona isla meel dhigay baajinta doorashooyinkaas, muddo kordhin gaareysa ilaa bisha November ama December ayaana lagu wadaa in loo sameeyo murtadiinta kala ah, Cabdi Casiis Lafta Gareen, Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Cali Guudlaawe.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshahan u adeegsanayo istaraatiijiyad ay ku abuuri karto xaalad hor leh oo horseedi karta in murtad uu helo muddo kordhin xukuumadiisuna ay xafiiska sii joogta ilaa 2027.
Waxaa hadda soo ifbaxaya masiirka mugdiga ah ee sugaya kooxda ridada Soomaaliya marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka murtad Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama uu hadda xaar xaaranayo sidii uu usii joogi lahaa kursiga una abuuri lahaa buuq iyo khilaaf ka daran midii murtad Maxamad Cabdullahi Farmaajo.
FAAFREEB PRO