Murtadiinta oo Awdheegle ka Wada Qafaal iyo Dhac Baahsan.

Aug 20, 2024

Wararka laga helayo dagmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku waramaya in murtadiinta halkaas ku sugan ay dhac iyo qafaal u geesanayaan shacabka ku nool halkaas.

Waxaa saakay magaaladaas ka jirta xaalad cabsi ah kadib markii ay isku dheceen maleeshiyaatka ridada ee laga soo diray Muqdisho iyo kuwa isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Waxay sida xoguhu sheegayaan magaalada laga dajiyey calankii dhaaquudka ee uu lahaa maamulka ridada ah ee uu hogaamiyo murtad Laftagareen kadib markii ay ku heshiin waayeen lacagha boobka ah ee ay ka fara maroojinayaan bulshada muslimka ah.

Taas waxaa ka carooday masuuliyiintii maamulkan ugu sugneed dagmadaas iyagoona warbaahinta la hadlayey ayey cadeeyeen wax halkaas ka socda ee dhibaateen ah.

Waxaa saxaafada la hadlay gudoomiye ku xigeenka dagmadaas ugu magacaaban maamulka iskugu yeera Koonfur Galbeed, waxa uuna ka dhawaajiyey murtadkan in dhibaatada oo idil ay wadaan ciidamada laga soo diray Muqdisho.

“Ganacsatada, baabuureyda iyo beeraleyda dhamaan dhibaato adag ayaa lagu hayaa, mar lacag baad ah la weydiiyo mar la iska soo xirto qofka kadibna la jirdilo habeenkii Lix saacna lasoo daayo, su’aalo baaritaan aan ahayn oo aad u qaabdarana la weydiiyo” waxaa sidaas yiri Maxamuud Axmed Sheekh oo ah gudoomiye ku xigeenka maamulka Koonfur Galbeed.

Tani waxay kusoo aaday xilli maleeshiyaatka murtadiinta ay sii xoojiyeen dhaca iyo goodiska joogtada ah ee ay ku hayaan bulshadan Soomaaliyeed ee muslimka ah, waxaana ka warheynaa kacdoonaada waaweyn ee tan iyo bilowgii isbuucan ka dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho kaas oo ay bulshadu kaga soo horjeedaan lacagaha baada ah ee ay soo rogta xukuumada Villa Soomaaliya.

Kusoo biir janaladeena Telegram-ka 👇

https://t.me/faaf_breaking1

https://t.me/Faafka5555

https://t.me/faafka8880