Murtadiinta oo Qof Shacab ah Ku Dilay Mogdisho

Aug 22, 2024

Askari ka tirsan maleeshiyaatka kooxda Riddada, ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qof shacab ah ugu dilay lacag dhan saddex kun oo shilling Soomaali ah.

Dhacdadan xanuunka badan ku reebtay ehellada, ayaa habeenkii xalay waxaa laga soo wariyay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waaberi, askariga murtadka ah oo ku hubeysnaa qori ayaana si bareer ah u dilay qofka shacabka ah.

Mid ka mid ah ehellada oo warbaahinta la hadashay waxay sheegtay in wiilkooda oo ka tagay 4 caruur ah loo dilay saddex kun oo shilling Soomaali ah, askariga murtadka ah ayaa qofka shacabka ah waydiistay in uu siiyo lacagta shiling Soomaaliga markii uu ka biya diidayna uu si bareer ah u dilay.