Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, ayaa baahisay muuqaal soo bandhigaya dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan leh ee ay reer Muqdisho ka cabanayaan waayadii u dambeysay, gaar ahaan intii uu Xasan Sheekh Maxmuud noqday madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Muuqaalkan oo la daawan karo inkabadan 15 daqiiqo, ayaa soo bandhigaya sida uu Xasan Sheekh Maxmuud iyo maamulkiisu dhulka ula galay reer Muqdisho iyo ganacsigooda, taasoo ay ugu dambeysay canshuurihii dhawaan ay Wasaaradda Maaliyadda kusoo rogtay dhamaan shacabka Soomaalida ee isticmaala adeegyada mobile-da ee lacagaha la isugu diro.
Halkan ka daawo Muuqaalka Kadeedka Canshuurta iyo Kacdoonka Muqdisho.
Halkan ka daawo Kadeedka Canshuurta iyo Kacdoonka Muqdisho- OK.