Maamulka ashahaada la diririka ah ee isku magacaabay Soomaaliland ayaa dhisay guddi heer wasiiro ah oo u xilsaaran raadinta aqoonsiga ay ka doonayaan iney ka helaan dowladda xabshida Itoobiya.
Warbixin uu daabacay wargeyska Itoobiyaanka ah ee Addis Stander ayaa ciwaan looga dhigay “Somaliland oo dhistay guddi heer wasiiro ah oo u xilsaaran aqoonsiga” waxaana lagu soo hadal qaaday arimo dhowr ah oo ay kamid yahay heshiiskii xaaraanta ahaa ee 1 January dhax maray Abey Axmed iyo Murtad Muuse Biixi Cabdi.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee maamulka ridada ah ee Somaliland ayaa shaaciyey in talaabadaan ay kusoo dhiseen guddigan cusub ay tahay mid muhiim u ah aqoonsigooda ay ka doonayaan itoobiya.
“01 January 2024 Itoobiya iyo Somaliland waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaaday iney qeyb ka helaan badda cas si ay Somaliland iyadana u hesho aqoonsi caalami ah” waa nuqul kamid ah qoraalka warbixinta ay daabacday saxiifada Addis Stander.
Sidaa darteed maamulkan ashahaada la dirirka ah ayaa isku dayaya inuu dardar galiyo sidii uu Itoobiya ugu gacan galin lahaa qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, isagoo ku hami weyn heli taanka ictiraaf hubanti la’aan ah.
Waxaa gaba gabadii warbixinta lagu sheegay in Itoobiya aysan ilaa iyo hadda cadeyn halka uu marayo heshiiskan boobka ah, iyadoona xitaa maalmihii u dambeeyey ka gaabsatay soo hadal qaadida xilliga la qorsheynayo dhaqan galintiisa iyo hanjabaadihii qaar ee ay hawada soo marin jirtay.