Muxuu Daaranaa Socdaalka Wasiirka Arimaha Dibada Turkiga ee Imaaraatka?.

Dec 26, 2024

Wasiirka arimaha dibada Turkiga ayaa safar markii ugu horeysay ku gaaray gudaha dalka Imaaraatka carabta tan iyo dhicitaanka nidaamkii Bashaar Al-Asad.

Sida ay nashriysay saxiifada Khaliij Times Hakan Fidan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dagay magaalada Abu Dubai halkaas oo uu kulan kula qaatay madaxweynaha Imaaraatka Maxamed Binu Zaayid walina shirar kale ay ugu harsaniyihiin.

Wargeyska oo soo xiganaya warbaahinta Turkiga iyo mida Imaaraatka ayaa fadhiyadan ay dhiancyadu yeesheen ku sheegay in looga wadhadlayo xoojinta xiriirka Labada wadan iyo isbadalada xowliga ah ee ka socda gobolka sidii loo wajhihi lahaa iyadoo laga fogaanayo saameyno kale oo dhasha.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu wada gorfeeyey qadiyada Suuriya iyo dhicitaanka xukunkii reer Asad, xilli Imaaraadka uu ka walaacsanyahay xukuumadda cusub ee ay soo dhisi doonaan kooxaha mucaaradka Suuriya ee riday Bashaar Al-Asad.

Gabagabadii kulankan kadib su’aasha ugu badan ee la is weydiinaayo ayaa noqotay Turkiga si buuxda Imaaraatka ma ugu qancin doonaa inuu aqbalo habsami u socodka kooxaha mucaaradka Suuriya iyo inuu la sameysto xiriir cusub badalka Bashaar Al-Asad, mise weli Abu Dubai kooxaha mucaaradka waxay u arki doontaa argigixiso halis ku ah gobolka?.

FAAFREEB RPO