Muxuu Dhigayaa Heshiiska Cusub ee ay Wada Gaareen Ciraaq iyo Mareykanka.

Sep 9, 2024

Heshiis ay gaareen xukuumadda dabadhilifka Ciraaq iyo dowladda Mareykanka ayaa caddeynaya waqtiga kama dambeysta ah ee ay ciidanka saliibiyiinta isaga baxayaan wadankaasi, maxaysa Washington uga caga jiideysaa iney isga huleesho dalka.

Wasiirka difaaca Ciraaq ninka lagu magacaabo Thaabit al-Cabaasi ayaa ku dhawaaqay in Baqdaad ay heshiis la gaartay Washington kaaso ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Ciraaq waliba muddo kooban gudeheeda.

Waxaa la xusay in mudada kama dambeyska ah ee uu askariga ugu dambeeya ee Ameerikaan ah ka qalab qaadano gudaha Ciraaq ay tahay Labo sano gudeheeda, waana sida ay dhinacyadu kuwada heshiiyeen warbaahinta uu la wadaagay al-Cabaasi.

Waxa uu sidoo kale ninkan sheegay in dhinacyadu ay isku waafaqeen in howlgalkan lagu soo afjaro laba weji oo kala ah, waa midka koowaadee in bixitaanka askarta Ameerikaanka ah la bilaabo sanadkan uuna socodo ilaa sanada 2025, halka wajiga Labaadna la bilaabayo isla sanadkaas uuna socon doono misana uuba gaba aboobi doono sanada 2026.

Wasiirka difaaca Ciraaq Thaabit al-Cabaasi waxa uu sidoo kale daaha ka rogay in intii uu socday hesiiskan uu Mareykanku u muuqday mid aanan ku qanacsaneyn mudada, wasiirka difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaana dalbaday in muddo hal sano ah loogu daro, balse xukuumada baqdaad ayaa ka biya diiday arinkaas waana sida uu sheegay al-Cabaasi.

Wadahadalladana ugu dambeyn lagu gaaray heshiiskan ee u dhexeeyey Mareykanka iyo Ciraaq ayaa soo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan 2024, waxayna xukuumada uu hogaamiyo Abdul Ladiif Rashid marwalba ugu baaqeysa Washington in ciidamadeeda oo gaaray ilaa 2000 ay wadanka isgala baxdo, walow Mareykanku uu waday caga jiid zaaid ah, waxaana hada hubanti la’aan ah dhaqan galka heshiiskan iyo waxa dhici kara hadii xukuumada Biden ay fulin weyso.

Tan iyo markii uu Mareykanka duulaankiisan kusoo qaaday wadanka Ciraaq waaxaa uu ka geystay jaraaim kala duwan, waxaana ugu dambeysay oo uu calamku la fajacay dhacdadii Xadiitha, oo ay warbaahintu soo bandhigtay 19 sano kadib, xiligaas oo ay askartii Mariiniska Mareykana deegaanka Xadiitha ee gobolka Al Anbar ee galbeedka Ciraaq ay ku dileen ilaa 24 ruux oo shacab ah, ayna ku jiraan caruur ay da’aadoodu ka hooseyso 3 sano, iyadoona sirdoonada kala duwan ee mareykanka ay markaas diiwaanka u galiyeen dadka ay laayeen iney ahaayeen argigixiso dooneysay iney nafta dhaafiso.

Waxaana ugu dambeyn daaha laga rogay xaqiiqada dadkaas la laayey November 19, 2005, Mareykanka ayaana markale caalamka ku hor fadeexoobay, waxaana Meesha ka badaxday sheegashada beenta ku saleysan ee uu wadan walba ugu duulo ee ah arimo nabad ilaalineed.

FAAFREEB PRO