R/wasaaraha Sahaayinada ayaa weli ka caga jiidaya ogolaanshiyaha in magaalada Qaza lageliyo guryaha guurguura iyo ehellada sahaayinada ee maxaabiistu ka maqanyihiin oo dhigay dibad baxyo hor leh.
Sida uu daabacay joornaalka Ra’ayul Youm Binyamin Natanyaahu iyo kooxdiisa ayaa isku dayeysa wali iney ishortaagaan in Qaza markale ay bilicdeeda soo laabato lana galiyo guryaha nuuca guur guura ee xilliga loo baahdo lakala fur furi karo.
Waxay warbixinta saxiifadu xogteeda intaasi ku dareysaa in marinka Rafax ay taaganyihiin gawaari fara badan oo sida qalab dhismo iyo injineeradii farsameyn lahaa guryaha, waxaana midan ay muujineysaa sida Natanyaahu uu marwalba iskugu dayayo inuu ku kuco wac caro dhalin kara sababina kara inuu buro heshiiska.
Dhanka kale waxaa ehellada sahaayinada ee maxaabiistu ka maqanyihiin ayaa dhigay dibad baxyo hor leh, tani ayaana dhulka lasii galeysa masiirka siyaasada Natanyaahu, isagoona fashil iyo waji gabax ka dhaxlay colkii uu u durbaan tumanayey inta mudada ah.
FAAFREEB PRO