Natanyaahu oo Markale Eedeyn u Jeediyey Al Siisi Diidayna Inuu ka Boxo Philadelphia.

Sep 5, 2024

Binyamin Netenyaahu ayaa markale diiday in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanka Philadelphia ee ku dhow marinka Rafax, isagoona markale eedeyn u jeediyey xukuumada dabadhilifka ah ee Masar.

Hogaamiyaha maamulka yuhuuda ayaa ku dhawaaqay xilli uu shir jaraaid ku qabanayey gudaha dalka Ingiriirska, in marnaba aysan ka bixi doonin halka loo yaqaano Philadelphia qorshuhuna aysanba midaas ugu jiran, ilaa ay ka soo afjarayaan kooxaha wax iska caabinta Filistiina ay halkan ku sugnaan doonaan, waa sida uu hadalka u dhigee.

“Xamaas waa in hubka laga dhigaa, waxaana midaas la sameyn karaa oo kaliya haddii waddada Philadelphia ay sii ahaato mid ku jirta gacanta Israel.” Waxaa sidaas yiri xilli u uku guda jiray shirkiisa jaraaid Biyamin Natayaahu.

Midaan ayaa sii xoojin doonta carada shacabka yuhuuda ee naceybka ay u qabaan Natayaahu, maadaama dagaalka oo sii dheeraada ay musiibo kale ku tahay bulshada yuhuuda, oo hada weysay nolosha maxaabiis fara badan oo ku jirtay gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in hogaamiyaha maamulka isugu magacaabay israel uu markale eedeyn kulul kala dul dhacay xukuumada Al Siisi, isagoona sheegay in si wanaagsan aysan u xakameyn hubka sida qarsoodiga ah loogu soo dusinayo muqaawamada iyadoo waliba loo soo marinayo Philadelphia.

Eeedeyntan ayaa ku biireysa kuwa is xig xiga oo uu gumeytuhu u jeedinayo xukuumada Al-Qaahira, waxaana ugu dambeysay midii shalay oo ay isaka bari yeeshay dowladda Masar, iyadoona warsaxaafadeedkeedaas isbari yeelka ah ku lifaaaqday hadalo goodis ah oo ku wajahnaa maamulka yuhuuda.

FAAFREEB PRO