Natanyaahu oo Sheegay Iney Dhab u Badali Doonaan Hadalka Trump ee Qaza.

Feb 17, 2025

Binyamin Natanyaahu ayaa uu garab taaganyahay masuul sare oo Ameerikaan ah oo sheegay in dhab ay u badali doonaan hadalka Donald Trump ee ahaa iney reer Qaza barakicinayaan dhulkoodana uu noqon doono goob dalxiisa oo uu Mareykanku leeyahay.

Sida uu baahiyey joornaalka The Timse Of Israel Netanyahu oo uu dhinac joogo xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo saacado ka hor gaaray gudaha Talabiib ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii ay goor dhow ay dhab ugu beddeli lahaayeen qorshaha madaxa aqalka cad ee Qaza, iyo musaafurinta muslimiinta.

Waxa uu sidoo kale Natanyaahu sheegay in isaga iyo xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio ay si aad ah ay uga wada hadleen arinkan, iyagoona isku afgartay in si wada jir ah loo rumeeyo aragtidan dunida inteeda badan ay ku tilmaantay mid aanan si naba u cunami doonin.

“Waxaan isku dayeynaa inaan caawino dadka Qasa si ay uga baxaan aagga dagaalka, qorshaha madaxweyne Trump-na waa kan kaliya ee hada guuleysan kara.” ayuu yiri madaxa sahaayinada.

Dhinacyada ayaa hadda isku dayaya iney si aad ah isugu soo baheystaan sidii Qaza-da dadkeedu ay dulmi diidka yihiin ay u noqon lahayd dhul tamashleyn oo milkiyadiisu leedahay dowladda saliibiyada ah ee Mareykanka, balse shacabka dhulkaas halku dhigiisu waa mid aanan fududeen oo ay geeridu ka dhowdahay.

FAAFREEB PRO