Natanyaahu oo Wajiga Labaad ee Heshiiska Gudbinaya Qodobo Burburin Kara Xabad Joojinta.

Feb 11, 2025

Binyamin Natanyaahu ayaa qorsheynaya inuu wajiga Labaad ee heshisika xabad joojineed uu gudbiyo qodobo dhamaantood aysan marnaba aqbali doonin kooxaha muqaawamada Filistiin, si kaliya uu u burburiyo heshiiska socda.

Sida uu daabacay wargeyska yuhuuda ee Yedioth Ahronoth, madaxa sahaayinada ayaa raba inuu gudiga dhaxdhaxaadiyaasha u gudbiyo shuruudaha wada-xaajoodka wajiga labaad ee heshiiska, kuwaas oo sida muuqata aysan sinaba u ogolaan doonin kooxaha wax iska caabinta Filistiin.

Sida xogta jariirada lagu sheegayo waxaa shuruudahaas kamid ah, In hoggaanka kala duwan ee muqaawamada laga saaro Qasa, in la baabi’iyo cududda milateri ee mid kamid ah guutooyinka ugu muhiimsan muqaawamada, hub ka dhigista, iyo sii deynta dhammaan maxaabiista yuhuuda, haddii intaan la fuliyo waxay saxiifadu sheegeysaa in Natanyaahu uu soo afmeerayo dagaalka.

Haddii aan la oggolaan qodobbada aan suragalka ahayn ee uu doonayo madaxa yuhuuda waxaa dhanka kale lagu waramayaa in gumeystuhu damacsanyahay in la ballaariyo wajiga koowaad ee heshiiska oo hadda lagu guda jiro, si loo sii wado is dhaafsiga maxaabiista, tan oo xitaa ah mid adag oo kala doorasho ah: waa mida Koowaadee inay yuhuuda ku laabtaan xaalad kale oo dagaal ama iney aqbasho shuruudaha ay muqaawamadu ay doonayaan, midda dambe haddii ay dhacdo ayey warbixinta Yedioth Ahronoth sheegeysaa inay burburin doonto saldanada Netanyahu, sababtoo ah xubnaha midigta fog ee xukuumadda Netanyahu ma doonayaan iney sameeyaan tanaasul kale.

FAAFREEB PRO