Maamulka cusub ee Suuriya ayaa xiray xadka uu la wadaago Lubnaan iyo amaro kasoo baxay kooxaha la wareegay xukunka Suuriya.
Sida lagu waramayo nidaamka cusub ee Suuriya ayaa yaa xirtay xadka Lubnaan, iyadoo sidoo kale la joojiyay dal ku galkii bilaashka ahaa ee muwaadiniinta Lubnaan ay ku gali jireen Suuriya.
Waxaana lagu waramayaa in wixii hadda a dambeeya ay muhiim tahay in muwaadiniinta Lubnaan ay soo qaataan dal ku galka Suuriya ka hor inta aysan soo aadin safakooda dhanka Suuriya, taasoo caqabad hor leh ku noqon doonta dad reer Lubnaan ee dhinacyada isaga kala gooshi jiray.
Arinkan ayaa la sheegay in loo aaneynayo in ciidamada Lubnaan ay dhaq-dhaqaaq xoogan mudooyinkan ka wadaan xadka, halkaas oo ay xitaa ka dheceen iska hor imaadyo u dhexeeya kooxaha mucaaradka ee dhawaan la wareegay talada wadanka iyo ciidanka Lubnaan.
Lubnaan ayaana sheegtay in ugu yaraan 4 askari looga dhaawacay inta ay socotay is rasaaseyntaas dhexmartay ciidanka xadka ee labada dal, midaas oo muujineysa heerka uu gaarsiisanyahay khilaafka curdunka ah ee u dhexeeya Labada jaanib.
FAAFREEB PRO