Niyad Jabka Yuhuuda iyo Kala Furfurnaanta Silsilada Hogaanka.

Jan 26, 2025

Joornaalka cibriga ah ee Yedioth Ahronoth ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo xaalada dhabta ah ee ka jirta gudaha maamulka gumeystaha yuhuuda, iyo sida ay ukala fur furanayaan silsilada hogaanka sare ee sahaayinada.

Waxaa warbixintan oo uu qalinka u qaatay qoraaga yuhuudiga ah ee lagu magacaabo Tamar Asrov kana howgala jariiradan agu sheegayaa, in xukuumada Binyamin Natanyaahu iyo shacabkeeda ay hadda wajahayaan niyad jab kii ugu darnaa, xaaladuna ay kasii dartay tan iyo bilowdii howgalka Duufaanta Al-Aqsa.

Waxyaabaha iska horkeenay shacabka yuhuuda iyo maamulkooda ma dhaleyska ah waxaa kamid ah, aqbalida uu hada Binyamin Natanyaahu aqbalay heshiiska xabad joojineed xilli waqti xaadirkaan ay bulshada yuhuuda u arkaan iney tahay mar ay xeero iyo fandhaal kala dheceen, kooxaha muwaaqamaduna ay dilaan askar badan qafaasheena tobaneeyo maxaabiis ah.

Dhanka khilaafka silsilada hogaanka iyo siyaasiyiinta ugu sareysa xisbiga hada haya talada maamulka gumeystaha ayaa iyadana ah qadob kale oo ay hoos ka xariiqeyso warbixinta Yedioth Ahronoth, waxaana lagu waramayaa in sahaayinadu ay hadda guduhooda is lacnadayaan midkastana uu midka kale ku eedeynayo haziimada uu kusoo idlaaday kibirkii iyo bowda qaawiskii ay isla qaad qaadayeen horaantii howgalka duufaanta Al-Aqsa.

“Israa’iiliyiinta maanta ma ahan kuwo aad u xoog badan, xiriirka ka dhexeeya waa daciif” waaxaana sidaas lagu yiri qoraalka jariirada oo sii socda.

Si guud ahaaneed warbixinta ayaa daaha ka rogeysa xaalada dhabta ah ee ka dhax jirta yuhuuda, iyo sida uu noqon doono masiirkooda hadii xaaladu ay sidaan kusii socoto, iyagoona xusid mudan tahay sahaayinadu ay hadda ka baqanayaan lacnada Sideetanaad.

FAAFREEB PRO