Waxaa war saxaafadeed luqad adag ku qornaa oo ay soo saartay jabhada ONLF ayey ku sheegtay iney si aad ah uga carootay hadalkii maalmo ka hor kasoo yeeray taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula ee ahaa in Masar ay tahay mida aas aastay misana fangareysa jabhado badan oo ay ONLF ka mid tahay.
Kooxdan ayaa saacado kooban kadib soo saartay warsaxaafadeed isgu jiray ka bari ahaanshiyaha warkaas iyo digniin ku socota xukuumada uu hogaamiyo Abey Axmed.
Waxaa ugu horeyn qoraalka ONLF lagu cadeeyey in jabhadan aysan aas aasin wax dowladd ah, laguna taagay is xilqaan bulsho iyo aragti katimid dad aanan la dhacsaneyn hanaanka siyaasadeed ee Itoobiya.
Waxaa marka xigta fariin loogu diray xukuumada Addis Ababa, waxaana lagu sheegay qoraalka in Itoobiya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga hadasho arinkan ayna ka bixiso jawaab cad, ayna cadeyso dhab ahaanshiyaha muuqaalka sida aadka ah ugu baahan Inernet-ka ee uu kasoo muuqanayo Berhanu Jula.
“ONLF waxay ugu baaqaysaa dowladda Itoobiya iyo Jeneraal Berhanu Jula inay si degdeg ah u cadeeyaan saxnaanta muuqaalkaas isla markaana ay si fagaare ah u beeniyaan hadalka haddii laga been abuurtay, hadii hadalkaas uu saxyahayna waa in si dag dag ah ay raali galin uga bixiyaan, hana fiiriyaan hseiisyadii nabada ee la gaaray” waxaa nuqul kamid ah war saxaafadeed ONLF.
Waxaa sidoo kale qoraalka jabhadan lagu yiri “Haddii arrintan si degdeg ah loo xallin waayo, waxay noqon doontaa jebin weyn oo loo geysanayo heshiiskii nabadda ee dowladda itobiya ay la gashay ONLF, Jebintaas waxay tilmaami doontaa in dowladda aysan ONLF u aqoonsanayn xisbi siyaasadeed balse ay u aragto sida cadawgeeda oo la dagaalamaya hada , taasoo keeni doonta cawaaqib halis ah oo saameyn leh ku reebi doonta habka nabadda iyo amniga dhinacyada oo dhan”
Dowladda Itoobiya oo mudooyinkaan dambe loolan dhinac walba ah kula jirta dhigeeda Masar ayaa goobaha fagaarooyinka ah usoo marineysa hadalo goodis ah, waxaana mararka qaar ku lamaanan hadaladaas kuwa duraya jabhada iyo ururada ka dhisan gudaha Itoobiya, ONLF ayaana qeyb ka ah jabhadahaas, waana midan soo jawaabtay oo goodiska iyaduna hawada usoo marisay xukuumada uu hogaamiyo Abey Axmed.
FAAFREEB PRO