PKK oo Sheegtay Iney Hubka Dhigtay Wixii Hadda ka Dambeeya.

Mar 1, 2025

Hoggaamiyaha kooxda kurdida ee PKK Cabdalla Öcalan ayaa warsaxaafadeed rasmi uu soo saaray wuxuu sheegay inay kooxdiisa ay nabada qaadatay, isagoo ugu baaqay PKK ciidankeeda inay hubka dhigaanoo la kala diro dhammaan dagaallamayaasha kooxda, xilligana ay hab wada-xaajood nabadeed ku raadinayaan xuquuqda ay tirsanayaan inay ka maqantahay bulshada Kurdida ee Turkiga, waa sida uu hadalka u dhigee.

Inta badan ururrada kale ee kurdida ku ee kala qeybsan dalalka bariga dhexe ayaa go’aankan soo dhaweeyay, halka hoggaamiyayaasha PKK ay ku dhawaaqeen inay billaabayaan fulinta baaqa ka soo baxay hoggaamiyahooda sare.

Dhanka kale sida lagu waramayo Erdogan xisbigiisa AK Party iyo dadka Turkiga waxay midan u tahay waqti muhiim ah, kaddib muddo 46 sanno ah oo ay kooxdan weerarro ka fulinaysay gudaha Turkiga.

Waxay uga dhigantahay ayaa la yiri, Erdogan inuu soo xiray albaab halis ku ahaa xasilloonida Turkiga, xilli ay isbeddelo ka dhacayaan gobolka bariga dhexe oo saameyn ku leh Turkiga , muddo dheer ayuu Turkiga iskudayay in kooxdan ay hubka dhigto.

Hogaamiyaha kurdida Suuriya ee xiriirka la leh Mareykanka ayaa isagana dhankiisa, waxa uuna cadeeyey in tani aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin kuridada ka dagaalanta Suuriya kaliyana uu ku koobanyahay kooxda PKK.