Putin oo Daneynaya Inuu soo Rogaal Deliyo Trump.

Oct 23, 2024

Wabrixin uu daabacay wargeyska Raashiyaanka ah ee Tsargrad ayaa diirada lagu saareysa Ruushku oo faragalin xoogan uu ku hayo doorashada Mareykanka, Putin-se ma waxa uu doonayaa ayey warbixintu leedahay in markale uu kursiga aqalka cad uu kusoo rogaal celiyo Donald Trump.

Sida aan la socono 5 Novembar ee sanakdan 2024 waxaa gudaha dalka Mareykanka la qorsheynayaa iney ka dhacdo doorashada soo jiitameysa mudada fog, xukuumada Moscow ayaana lagu soo waramayaa in faragalin aanan la iska indha saabin karin ay ku heyso ololalan, si gaar ah dhanka xisbiga jamhuuriyiinta.

Waxay xogta majaladu sheegeysaa Valadamir Putin uu si aad ah u daneynayo in markale uu kursiga Aqalka cad uu kusoo qoraal celiyo Donald Trump, balse hogaamiyaha xukuumada Moscow ma doonayo in marnaba uu sameeyo qiraal toos ah mid dadban.

Waxaa jirta aragti la dhihi karo wax ayuu ku dhisanayaa wargeyskan, waana in Valadamir Putin uu dhowr jeer oo hore uu qadka taleefanka kula hadlay Donald Trump, warbaahintana si aad ah ayaa looga qariyey wax rasmiga ah ee ay kawada hadleen, walow dad gorfeeya siyaasada ay sheegayaan in Putin uu si aad ah u daneynayo soo rigaal celinta Trump.

Dhanka hogaamiyaha xisbiga jamhuuriyiinta ayaa mar la weydiiyey wax ay ka wada haldeen isaga iyo madaxa xukuumada Moscow waxa uuna yiri ” ma doonayo in hada aan wax jawaab ah ka bixiyo arinkaas, waana la wada arki doonaa wixii war marka la gaaro waqtiga munaasabka ah”.

Warbixinta wargeyska uguma horeysa mid daaha ka rogta qodobkan, balse ilaa hada waxa sida cad daaha looga rogi la’ayahay waa qiraal ka yimaada labada dhinac, walow ay saaxafadu badanaa ay wado baaritaano dheeri ah.

FAAFREEB PRO