Qaarada yurub ayuu sanadkan 2025 u curutay iyadoo wajaheysa xaalado bohol kusii ridi doona oo qaraar.
Sida uu daabacay joornaalka Washington Post inta badan wadamada reer yurub ayaa hadda wajahay xaalado badan oo is barkan, kuwaas oo u horseedi doona sida lagu waramayo burbur xoogan iyo iney lugaha lasii galaan xaalado kale oo adag.
Caqabha ugu waaweyn ee ay wajahayaan dalalka reer yurub sanadkan 2025 waxaa kamid ah, carada shacabka ee ku aadan qaabka loo maareeyey doorashooyin qaar kamdia h wadamada yurub ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay, iyo qacin la’aanta bulshada.
Waxyaabaha kale ee sii mugdi galin kara msutaqbalka reer yurub waxaa kamid ah xaalada dhaqaale xumi ee ka jirta wadamo badan oo uu ugu horeeyo Ingiriiska, oo sida aan ognahay ay shacabkiisu la daalaa dhacayaan xaalado dhaqo xumo oo tira beel ah.
Dhanka kale sida uu ku waramayo Alexandra de Hoop waxaa jira baqdin laga qabo kalsooni darada heysatay jiilka soo kacaya ee reer yurub, kaasoo intiisa badan hadda kasoo horjeeda ku noolaanshiyaha nidaamka dimuquraadiyada oo ay u arkeen iney tahay iyada mida xambaarsan musiibooyinka ku dhacaya oo dhan.
Gaba gabadii warbixintan ayaa si guud u daaran masiirka reer yurub sida uu noqon doono sanakdan bilowday ee 2025 hadii aan la sameyn isbadal deg deg ah wax talaabooyin ahana aysan qaadi wadamada ugu tunka weyn reer yurub.
FAAFREEB PRO