Sida lagu soo waramayo tobaneeyo ruux oo shaqaale ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qarax ka dhacay goob macdanta laga soo saaro oo ku taalla dalka Iiraan.
Waxay tibaaxayaan warbixinadii ugu dambeyey in in ka badan 51 ay halkaas ku nafwaayeen.
Goobta ay dhacdadu ka dhacday ayaa loo yaqaao Tabas waxayna si gaar ah ugu taalaa dhanka Bari ee wadanka Iiraan.
Wakaaladda rasmiga ee wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa ku warramaysa in tirada dhimashada oo horay ahayd 30 ay sii korortay.
Wararka kale ee kasoo baxaya dhacdadaan ayaa tibaaxaya in halkaas ay ku dhaawacmeen ilaa 20 qof oo kale.
Majiraan wax faahfaahino ah oo intaas ka baxsan misana tibaaxaya waxa rasmiga ah ee sababay qaraxaan halakeeyey nolosha tobaneeyada ruux.
FAAFREEB PRO