Qaramada Midoobe oo Walaac Ka Muujisay Xiisadaha Ka Taagan Geeska Africa.

Oct 8, 2024

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha somaliya Gaalka lagu magacaabo James Swan ayaa muujiyay walaac xoogan oo ku saabsan xiisada u dhexeeysa kooxda Ridada Soomaaliya iyo Xabashida Itoobiya. Khilaafkan oo ka dhashay heshiiskii xaaraanta ahaa ee Muuse Bixiin uu Abiy Axmed ku siisay qeyb ka mid ah bada Soomaaliyeed.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa muujiyay welwelikiisa ku aaddan xiisadda sii kordheysa ee ka dhex taagan xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo xal nabadeed iyo mid diblomaasiyadeed, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada-hadalka iyo iskaashiga si looga fogaado ayuu yiri xiisadda oo meel xun gaarta.

Ninkan oo u dhashay dalka maraykanka ayaa sidoo kale muujiyay walaaca uu ka qabo in khilaafkan uu sameeyn ku yeesho Howlgalka islaam la dagaalanka ah ee loogu yeero ATMIS, howlgalkaas oo Dowlada Saliibiga ee itoobiya ay qeyb weyn ka tahay.

“Waxaan ku boorrinayaa Itoobiya iyo Soomaaliya in ay si daacadnimo leh uga qayb qaataan dadaalladan diblomaasiyadeed oo ay ka fogaadaan tallaabooyinka keeni kara inay xiisaddu sii kacdo. Taas oo saamayn badan ku yeelan karta xasilloonida gobolka, oo ay ku jirto saameynta suurtogalka ah ee ku saabsan kala guurka ATMIS.”.

Ururada saliibiyiinta iyo dowladaha reergalbeedka ee taageeraya duullaanka islaam ladirir ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba in xiisadaha geeska Afrika ka jira ay fursad weyn unoqdaan mujaahidiinta islamarkaana ay kala daadiyaan calooshood ushaqeystayaasha afrikaanta ah