Ugu yaraan hal milyan oo qof oo ku nool Kenya ayaa la daala dhacaya cunno yari, waana sida ay sheegeen ha’yadaha musiibooyinka Kenya.
Maamulka abaaraha ee NDMA ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dadka cunno yarida wajahaya ay ku nool yihiin 23 ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu waddanka kenya ka kooban yahay.
NDMA ayaa intaasi ku dartay in carruur ay da’doodu u dhexeysa 6 ilaa 59 bilood ay nafaqo darro wajahayaan islamarkaana ay u baahan yihiin daweyn iyo gargaar degdeg ah.
Carruurta nafaqada u baahan ayay tiradoodu tahay 760,488 halka tirada haweenka ee uurka ah ama carruurta nuujinaya ee dhibaatadan ay haysato ay tahay 112,401.
Bishii toddobaad ee sanadkan, hay’adda waxa loogu yeero cunnada iyo beeraha ee adduunka ee FAO iyo urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegeen in tirada dadka u baahan caawimaad dhanka cunnada ah ee Geeska Afrika ay gaareyso 66.7 milyan.
FAAFREEB PRO