Qiimaha Gaaska Dabiiciga ah ee Yurub oo Sarre u Kacay.

Jan 6, 2025

Qiimaha gaaska dabiiciga ah ee qaaradda Yurub oo kor u kacay kadib markii Ukraine ayaa joojisay qulqulkii gaaska Ruushka ee mari jiray dhulkeeda una tagi jiray Yurubta kale.

Sida uu daabacay joornaalka Bloomberg xukuumada Kyev ayaa kowdii Bishan January si guud u jartay dhuumihii gaaska ee mari jiray dhulkeeda si gaar ahaaneed kuwa Ruushka, waxayna midan durbadiiba saameyn xoogan ku yeelatay qiima gaaska yurub sida joornaalku uu tibaaxayo.

Ruushka ayaa talaabadaan ku qasaari doona ilaa 5 bilyan oo dollar, halka Ukrain iyadana ay weyn doonto 800 oo milyan oo dollar oo lacagtii gudbinta ah, taasoo ka dhigan in dhinacyadu ay khasaare ugu jirto arinkan, balse Vldamir Zalansky uu doonayo in Ruushka wixii hadda ka dambeeya uusan sii helin lacago fara badan, waa sida uu isaga horay hadalka ugu dhigee.

Talaabadan ayaa sidoo kale durbadiiba waxay saameysay wadamada Slovakia, Austria, Italy, Czechia iyo Hungary kuwaas oo gaaska ka heli jiray dhuumaha ay hadda xirtay Ukrain, waxaana dalalkan hadda laga dareemayaa sara u kac xoogan oo qiimaha gaaska ah.

Ukrain ayaa la sheegay in midan ay fulinteeda ku dhaqaaqday kadib markii dalal badan ay ka heshay taageero sida Poland oo kale, taasoo sheegtay iney Ukrain siin doonto koronto bilaash ah hadii Ruushka uu jarto korantada timaada Ukrain kadib markii Ukrain ay xirato dhuumaha gaaska ee mara dhulkeeda.

FAAFREEB PRO