Qorshe Mareykanka Ciidankiisa Looga Saarayo Dalalkii ugu Badnaa ee Dhaca Yurub.

Feb 22, 2025

Qorshe la wado oo Mareykanka ciidankiisa looga saarayo dalalkii ugu badnaa ee dhaca qaarada yurub.

Sida uu sarkaal ka tirsan ciidanka Bariga Yurub u sheegay wargeyska Jarmalka ee BILD, waxaa socdaan wadahadallo la xiriira ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee dhammaan waddamada Yurub ee ku biiray isbaheysiga NATO wixii ka dambeeyay 1990-kii.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa in arrintaan ay salka ku heyso wada-hadalladii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay Ruushka iyo Mareykanka ee ka dhacay dalka Sacuudiga ee la doonayo in lagu soo afmeero hardanka Kyev iyo Moscow.

Dalalka uu go’aankan saameynayo ee ay ciidanka Mareykanka ka baxayaan waxaa ka mid ah: Albania, Bulgaria, Croatia, Czech Republic, Estonia, Finland, Hungary, Latvia, Lithuania, Montenegro, Waqooyiga Macedonia, Poland, Romania, Slovakia, Slovenia, iyo Sweden.

FAAFREEB PRO