Hoggaanka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale jeediyay hadallo sii kicinaya xasaradaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka jira geeska qaaradda Afrika.
isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad tababar 15 maalmood socday loogusoo xirayay xubnaha xisbiga talada haya ee PP oo ka dhacday magaalada Adaamo ee caasimadda u ah ismaamulka Oromia ayuu Abiy Axmed weerar dhanka afka ah ku qaaday dowladda Ereteriya iyo madaxdeeda.
R/wasaaraha Itoobiya ayaa ugu horrayn sheegay in ay ka warqabaan dhaq dhaqaaqyada ay ciidamada Eereteriya ka wadaan deegaannada xuduudda dhaca, Abiy wuxuu ku goodiyay in ay ku duuli doonaan Ereteriya islamarkaana ay cagta mari doonaan wadankaas.
“Soomaaliya iyo Ereteriya malahan wax awood ah oo ay nagusoo weerari karaan,soomaaliya waa dal aad uliita madaxiisuna waa rag utaliya tuulooyin oo aan dalna maamulin”ayuu yiri Abiy Axmed.
R/wasaaraha xabashida oo hadalkiisa sii wata ayaa si aad ah ugu digtay kooxda ridada ee uu hoggaamiyo Xasan Gurguurte wuxuuna ku sifeeyay mid aad uliidata “madaxda dowladda soomaaliya waa kuwa aad uliita oo aan dalka kawada talin waxaaba ka awood badan beelaha soomaalida”ayuu hadalkiis sii raaciyay hoggaamiyaha Xabashida.
Mar uu ka hadlayay colaadda Itoobiya kala dhaxaysa Ereteriya wuxuu ka shanqariyay in ciidanka xukuumadda Asmara ay dhowaan qabsadeen magaalada Salanbeeso balse aysan nabad kusii haysan doonin “eretriya ma ahan dal awood leh mana filayo in ay nasoo weeraraan balse haddii ay nagusoo gardarroodaan muddo bil gudaheed ah ayaan ku burburin doonaan oo aan kaga dhigi doonaa sida Qaza oo kale”ayuu ku goodiyay Abiy Axmed.
Codka R/wasaaraha Itoobiya oo loo dusiyay shabakadda ugu weyn ee Itoobiya laga daawado ayaa aflagaadeeyay Madaxweynaha dowladda saliibiyadda Eereteriya wuxuuna ku sifeeyay oday cutush ah oo aan lasocon waxa dunida ka dhacaya,isagoo arrimahaas ka hadlaya ayuu yiri “Eereteriya waxaa utaliya duq gaboobay oo aan la soconin waxa dunida ka dhacaya ..waa duq aan waxba ka garanayn horumar iyo siyaasad toona waa duq jooga meel cidla ah”.
Hadalka kasoo yeeray R/wasaaraha xabashida ayaa sii xoojinaya xasaraha ka jira geeska afrika ee ku salaysan xifaaltanka awoodeed, isbuucii lasoo dhaafay taliyaha sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa booqasho aan horay loosii shaacin ku tagay magaalada Asmara halkaas oo ay heshiisyo kula saxiixdeen Afawarki.
FAAFREEB PRO