R/Wasaarehii Kanada oo shaaciyey in uu is-casilay.

Jan 7, 2025

R/Wasaarihii dalka Canada “Jastin Turuudow” ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey dalkaasi.

Shirjaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Ottawa ee dalka Canada ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii R/Wasaaranida dalkaasi.

Wuxuu sheegay inuu si kumeel gaar ah oo xilka u sii heyn doono ilaa xisbiga Leberaalka ee uu ka tirsanaa ay soo xulan doonaan xubintii badali lahayd.

“Jastin Turuudow” ayaa muddo ku dhow 10 sano hayey xilkaan, waxaana warbaahinta ay sheegaysaa in is casilaadiisa ay keentay kadib markii cadaadis iyo mucaarado xooggan ay uga timid xisbul xaakimka ee dalkaasi xukuma ee uu ka tirsanaa.

Xubnaha xisbigaasi ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhaliilo u jeediyey siyaasada R/Wasaaraha is casilay ee uu ku maamulayey dalka Canada.

Sidoo kale, waxyaabaha soo dadajiyey inuu is casilo “Jastin Turuudow” ayaa lagu sheegay kadib markii uu hoos u dhacay taageerada Xisbiga Xaakimka dalkaasi kadib markii rayi aruurin la sameeyey arrintaasi lagu ogaaday, xillli dalkaasi ay kusoo foodleeyihiin doorashooyinka baarlaamka ee dalkaasi oo loo badinayo in xisbiga talada hadda haya laga adkaan doono.