Ra’yi uruurin lasameeyay oo muujinaysa in shacbiyada R/wasaaraha Yahuudda Binyamin Natanyaahu ay dhulka ku hoobatay, taasoo sii niyad niyad jab sii galineysa ninkan.
Sida uu saacadihii lasoo dhaafay baahiyey wargeyska Ra’yul Youm, xisbiyada yuhuuda iyo shacabka sahaayinada oo ka caraysan guuldarrada dagaalkii qaza ayaa diiday in ay dib udoortaan xisbiga Netenyaahu, waxa uuna hadda hoos u dhac balaaran ku yimid qaar kamid ah kuraasta xisbiga uu hogaanka u yahay Binyamin Natanyaahu.
39% dadka yuhuuda waxay aaminsan yihiin in waxa ugu muhiimsan maanta ay tahay in lasoo daayo maxaabiista ku jirta gacanta kooxaha muqaawamada Filistiin waliba si guud, taasina uusan ilaa hadda ku guuleysan R/Wasaarohooda.
Fashilkii ku habsaday ciidanka yuhuuda kadib duulaankoodii Qaza October 2023, iyaduna waa mid kamid ah asbaabaha ugu waaweyn ee ay shacabka yuhuuda uga raja dhigeen ninka hadda hogaanka u haya, sidoo kalana waa mida kala furfurtay silsiladii hogaanka sahaayinada oo hadda qarka u saaran xaalado fool xumo ah iney ku kacaan.
Asbaabahan iyo kuwa ka badan oo dul hooganaya madaxa yuhuuda ayaa la sheegay iney sababeen in shacbiyada Natanyaahu ay ku timaado hoos u dhac kii ugu xumaa, rajada dib u doorasho ee ninkan ayaana ka hooseysa sida lagu waramayo diilinka suuragalnimada.
FAAFREEB PRO