“Miyey tahay in Mareykanku uu Yurub ula dhaqmo sida cadawgiisa oo kale intii uu la tartami lahaa” waxaa sidaas lagu bilaabay warbiixn uu daabacay wargeyska kasoo baxa dalka Faransiiska ee Le Monde.
Sida xogta joornaalka lagu bilaabayo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa Donald Trump iyo qorshayaashiisa layaabka leh ee uu durbadiiba lasoo baxay waxay u arkaan kuwa qar iska tuurnimo ah, oo aanan marnaba ku habooneyn in xilligan uu lasoo shir tago.
Waxay hogaamiyaasha Yurub intooda badan ay sidoo kale sheegen in Mareykanku xilligan aysan wanaagsaneyn inuu kiciyo xiisad kala qeybineysa reer galbeedka maadaama ay hortaaganyihiin awoodaha Shiinaha iyo Ruushka ayna wacantahay iney si wada jir ah u wajahaan intii ay iyagu isku soo jeedsan lahaayeen, waa sida hadalka loo dhigee.
Madaxda midowoga yurub ayaa sheegay in musiibadan kala qeybsanaanta kusii wada Mareykanka iyo galbeedka kale ay soo bilaabatay maalinkii la isku af garan waayey qadiyada Ukrain iyo sida laga yeelayo miisaaniyada dhaqaale ee la siiyo, taas haba yaraatee uu kasoo horjeedsaday nidaamka cusub ee Mareykanka.
Si kastaba ha ahaatee dalalka galbeedka ayaa hada si aad ah uga walwalaya loolanka cusub ee ka dhax bilaaban doona iyaga iyo nidaamka Trump, xilli ninkan uu durbadiiba qaaday dagaal dhaqaale oo xoogan filashana loogu jiro talaabooyin kale.
FAAFREEB PRO