Maqaal ra’yi ah oo uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in istaraatijiyadda reer Yurub ay ku doonayaan iney kaga guulaysato madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ay tahay mid aan waxba tarayn oo ma dhaleys noqon doonta, ayna tahay iney qaadaan tillaabooyin la taaban karo si ay xushmad iyo taageero ugu hesho maamulka soo socda.
Sida laga war hayo wadamada yurub ayaa intooda badan saluugsan siyaasada arimaha dibada ee uu la imaan doono Trump, iyagoona ka cabsi qaba inuu soo rogo canshuuro xad dhaaf ah, ka hor imaashiyaha masaalix badan oo reer yurub ay ku heystiin nidaamkii hore ee Biden iyo arimo kale.
Sidaa darteed waxay hada isku dayaan dalalka yurub intooda badan iney qaadaan talaabooyin ka hortag ah ka hore imaashiyaha Donald Trump ee xafiiska aqalka cad, waana mida ay jariiradan ka hadaleyso.
Waxaa qormada joornaalka ku cad in nidaamka cusub ee Mareykanka uu noqon doono mid inta badan kasoo horjeeda danaha u adeegaya reer yurub, midaasina ay wiiqi doonto ahdaaf badan oo ay damacsanaayeen wadamadan.
FAAFREEB PRO