Ruushka oo Fuliyey Weerarkii ugu Culsaa Bilooyinkaan.

Feb 19, 2025

Ruushka ayaa fuliyey weerarkii ugu culsaa bilooyinkan xilli Sucuudiga uu saacado ka hor ka bilowday wada hadalo xabad joojin lagu raadinayo.

Sida ay saacadihii lasoo baahiyeen joornaalada ugu waaweyn caalamka sida The Straits Times wax ka yar 24 saacadood kaddib wada-xaajoodkii ay yeelanayeen saraakiisha Maraykanka iyo kuwa Ruushka, xukuumada Moscow ayaa xalay fulisay mid ka mid ah weerarradii ​​ugu xooganaa bilihii la soo dhaafay oo idil kuwaas oo ay ku beegsatay Odesa iyo magaalooyin kale oo fara badan.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in Ruushka uu adeegsaday ilaa 150 diyaaradood oo nuuca ay Iran soo saarto ah, iyagoona mar qura gantaalo ooda kaga qaaday goobo badan oo muhiim u ah dowladda Ukrain iyo shacabkeeda.

Diyaaradahan ayaa bartilmaameedsay kaabayaasha tamarta iyo goobaha kale ee xasaasiga ah ee Ukraine, waxaana xusid mudan in Marco Rubio oo ah xoghaya arrimaha dibada Mareykanka uu isku dayey intii uu socday kulanka Suucdiga in wafdiga Ruushka uu ka helo inay saxiixan is afgarad ay ku caddeynayaan inaysan weerarri doonin kaabayaasha Tamarta ee Ukraine, balse midaas uma suuragalin.

Si kastaba ha ahaatee xukuumada Kyev ayaa hadda si cad ugu muuqata mid aanan ku qanacsaneyn waan waantan uu Mareykanku wado, iyagoona ku tilmaamay wax waali ah suuragalna aysan ahayn in si sahlan Putin iyo Trump ay kusoo afmeeraan colaad Ukrain lagu gaarsiiyey dhibaato badan waa sida ay hadalka u dhigeene.

FAAFREEB PRO