Ruushka oo Heegan Galiyey in Kabadan 50,000 oo Askari oo ay ku Jiraan Kuwa Kuuriyaan ah.

Nov 13, 2024

Joornaalka New York Times ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlayo xiisada ka dhax oloolsan Ukrain iyo Ruushka, iyo in maalmaha soo aadan la filayo in Moscow ay dagaalkan soo jiitamaya mudada fog ay u yeeli doonto waji cusub.

Saxiifadu waxay ugu horeyn xogteeda ku sheegeysaa in sirdoonka Mareykanka iyo kuwa reer Yurub ay oggaadeen inuu Ruushku uu damacsanyahay qaadista dulaan balaaran oo uu kusoo ceshanayo gobolka Kursk ee ay waqtiga fog ku suganyihiin askarta Ukrain.

Sidoo kale New York Times waxay sheegeysaa in xukuumada Moscow ay dooneyso iney weeraro xoogan ay ku ekeyso deegaano fara badan oo hada ka tirsan dhulka Ukraina, damaca ugu weyn ee Putina uu yahay soo cesashada Kursk iyo qabsashada dhul balaaran oo hor leh.

Marka kalga soo tago xogtan ay soo gudbiyeen sirdoonka Mareykanka iyo kuwa reer Yurub, dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ruushku uu hadda heegan buuxa galiyey ilaa 50,000 oo askari oo ay weheliyaan ciidan cadadooda aanan la shaacin oo ka socda dhanka Kuuriyada Waqooyi.

Ugu dambeyntii qodobkan xasaasiga ah waxa uu kusoo beegmay ayaa la dhihi karaa xilli inta badan sirdoonka dunidda ayaa wakiillo u kala dirsadeen dhanka Ukraine iyo Ruushka, iyagoo u jeedkooda ugu weyn uu yahay si ay u gaadaan lahaayeen nuuca dagaal ee uu ay Moscow qaadi karto iyadoo kaashaneysa Kuuriyada Woqooyi, iyo dhanka kale sida NATO ay u xoojin doonto dulaankeeda ay kaga soo horjeedo Ruushka kuna taageereyso Ukrain, waana xaalada lagu arki karo ayaa la yiri habka dagaal ee reer galbeedka iyo Ruushka.

FAAFREEB PRO