Ruushka oo Laga Dalbaday Soo Gacan Galinta Bashaar Al-Asad.

Dec 11, 2024

Hay’ada u dooda waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa ugu baaqday Ruushka inuu u soo gacan geliyo Madaxweynihii Suuriya Bashaar Al-Asad ee xukunka laga tuuray maadaama uu galay dambiyo ka dhan ah aadanaha kuna tuntay xeer walba oo caalamka uga dagsanaa dagaalka.

Hay’adu waxay sheegtay in Bashaar Al-Asad uu ugu yaraan dilay 202,000 oo rayid Suuriyaan ah oo ay ku jiraan 15,000 oo uu ku dilay jirdil, 96,000 oo aanan meelna lagu sheegin meydadkooda iyo 13 milyan oo muwaadiniin Suuriya ah oo uu ku barakiciyey dunida daafeheeda.

Waxaa intaasi sii dheer in Bashaar Al-Asad shacabka Suuriya uu u adeegsaday kiimikooyin halis ah oo kumanaan ruux mar qura nafta ka qaaday sanadii 2013.

Nidaamkii mujimka ahaa ee Bashaar Al-Asad iyo Aabihiis ayaa shacabka muslimka ah ee Suuriya kula kacay tacadiyaad nuuc walba ah leh, waxaana tan iyo maalinkii la riday nidaamkan baraha kala duwan ee Internet-ka lagu arkayaa muuqaallo argagax leh oo laga soo bandhigayo xabsiga fadeexada ku caan baxay ee Sadnaaya, halkaas oo dadka intooda badan ay miirka ku beeleen, kuwana ay ku naafoobeenka, halka kuwa kalana ay shoog qaadiin markii banaanka loo soo bixiyey maadaama ay filan waa ku noqotay in iyagoo nool dib ay ugu soo laabteen gudaha bulshadooda.

FAAFREEB PRO