Ruushka oo Xoojiyey Faragalinta Xaga Internet-ka ah ee uu ku Hayo Mareykanka.

Sep 21, 2024

Ruushka ayaa sii xoojiyey faragalinta xaga Intenet-ka ah ee uu ku hayo siyaasada Mareykanka si gaar ah ololaha doorashooyinka hada ka socda gudaha wadankaas.

Xukuumada Moscwo ay sameysay muuqaalo fara badan oo lagu marin habaabinayo taageerayaasha kala taabacsan xisbiyada dimuquraadiga iyo kan jamhuuriga Mareykanka, isagoona midaas u arka xal uu qalalaaso kaga dhax abuuri karo dhinacyada, sababina kara in hakad u uku yimaado doorasahda la qorsheynayo 5 Novovembar ee sanadkan 2024, waana sida ay shegeyso warbixinta.

Sida uu wargeyska kasoo xiganayo shirkada Microsoft, Ruushka ayaa hada si gaar ah waxaa uu mudooyinkan dambe xooga u saarayaa faragalinta uu ku hayo dhanka musharaxa xisbiga dimuquraadiyiinta haweeneyda lagu maagcaabo Kamala Harris, isagoona ka baahiyey muuqaalo fara badan oo ay dadka ku wareereen.

Madaxa ka hortaga khataraha xaga Inernet-ka u fadhiya shirkada Technolgy-yada ee Microsoft ninka lagu magacaabo Clint Watts waxa uu yiri “ xilli ay soo dhawaatay doorashada Mareykanka, waa in marwalba la fishaa weerarada xaga Inernet-ka ah ee ay filinayaan Ruushka, iyagoo u jeedadootu tahay faafinta waxyaabo kala qeybin kara siyaasadaha mareykanka”.

Washington ayaa si aad ah uga casi qabta talaabooyinkan, waxaana horay loosoo diiwaangaliyey falal jabsi ah oo loogu dhacay taleefano muhiim ah oo uu kamid yahay midka Joe Biden, iyadoo xilligaas la iskaga dhigay shaqaale shirkadeed oo doonaya iney sugaan amniga taleefankiisa, balse mardambe lagu soo baraarugay ujeedkoda.

Waxaa meeshaas uga soo baxday Mareykanka halista xaga Internet-ka ah ee ku gadaaman mudooyinkan dambe, waxa uuna saacad waliba filasho ugu jiraa falal aanan farax galin doonin.

MASDARKA: AL-SHARQ AL AWSAT