Saameynta Ruushka ee Bariga iyo Koonfurta Liibiya tan iyo Dhicitaankii Bashaar Al-Asad.

Feb 13, 2025

Jariirada Le Monde ee kasoo baxda dalka Faransiiska ayaa daabacday warbixin ay kaga hadleyso Ruushka oo awoodiisa ugu badneyd geeyey gudaha dalka Liibiya tan iyo dhicitaanka nidaakii Bashaar Al-Asad.

Sida xogta majaladu ay tibaaxeyso tan iyo burburkii nidamkii reer Asad xukuumada Moscow ayaa cudud aanan horay loo arag geysay bariga iyo koonfurta Liibiya, goobahaas oo ay u aragato kuwa istaraatiiji ah oo ay ka maamuli karto dalal kale oo ay ciidamada Ruushka ku suganyihiin.

Tan iyo 8-December 2024 oo ah markii uu dhacay xukunkii Bashaar Al-Asad, waxay xogta Le Monde ay sheegeysaa in diyaaradaha xamuulka qaada ee Ruushka ay yihiin kuwa si aanan la qiyaasi karin ugu sii qul qulaya dhanka Liibiya, taasoo muujineysa ahmiyada uu markan Putin siinayo dhulkaasi.

Diyaaradahan ayaa sida qalab militari oo muhiim ah oo isugu jira nuucyo fara badan, waxaana dhanka kale horay loo soo tabiyey in Ruushka uu agabkiisii ciidan ee ugu muhiimsanaa ee yiilay gudaha dalka Suuriya uu ka saaranayo waliba si tartiib tartiib ah.

Dhicitaanka Bashaar Al-Asad ayaa jab istaraatiijiyadeed ku noqday xukuumada Moscow, halka dano badan ay ka faa’iday Ankara oo hadda u jeedkeeda ugu weyn uu yahya ladagaalanka kooxaha Kurdida ee uu hago Mareykanka.

FAAFREEB PRO