Safarka Gurguurte ee Addis Ababa iyo Kulan Dhaxmaray Dhinacyada.

Jan 11, 2025

Waxaa casar liiqii maanta magaalada Addis Ababa gaaray murtad Xasan Sheekh Maxamuud madaxa kooxda ridada Soomaaliya isagoona halkaas kula kulmay Abey Axmed R/Wasaaraha dowladda Itoobiya.

Kooxda ridada oo ka hadashay safarka Gurguurte ayaa sheegtay inuu daaranyahay arimo la xiriira qadiyada badda Soomaaliya oo horay loogu saxiixay Abey Axmed.

“socdaalkan waxa uu dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.” ayaa lagu yiri qoraal rasmi ah oo kasoo baxay kooxda ridada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti oo la hadlay warbaahinta Addis Ababa ayaa dhankiisa sheegay in xukuumada Abey Axmed iyo kooxda ridada Soomaaliya ay ka wada hadleen in Itoobiya ay hesho qeybo kamid ah badda Soomaaliya.

Waxa uuna ninkan sidoo kale muujiyey sida murtad Xasan Sheekh Maxamuud uu u fahansanyahay danohooda isla markaana uu ugu garab raaricinayo wax walba oo Itoobiya u horseedi kara iney soo gaarto xeebaha Soomaaliya waana sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Kadib safarkaan uu murtad Guguurte ku tagay magaalada Addis Ababa waxaa baraha kala duwan ka bilowday maadeyse ay sameynayaan isticmaalayaasha Internet-ka ee Soomaalida, waxaana la is barbar dhigayaa hadal uu yiri markii murtad Muuse Biixi Cabdi horaantii sanadkii hore uu bixiyey qeyb kamid ah badda kaasoo ahaa “Itoobiya wax naga dhexeeyo ma jiraan waana cadawgeena” iyo in maanta uu ka dagay dalkii uu lahaa waa cadawgeena taasoo shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Xasan afka baarkiis uu ka necebyahay Itoobiya balse qalbiga uu kala jiro marwalba.

Waxayna shacabka Itoobiya Abey hadda u arkaan mid guul taariikhi ah usoo hooyey balse waa kuwa moogan in dalkan uu leeyahay ragg isku dhaarsaday iney difaacaan diinkooda, dhuloooda iyo dadkoodaba.

FAAFREEB PRO