Yuhuuda ayaa qorsheyneysa in hub kala duwan ay ku wareejiso dowladda Ukrain ee uu loolanka xoogan kala dhexeeyo Ruushka.
Sida uu daabacay joornaalka Kyiv Post maamulka sahaayinada ayaa doonaya in Ukrain uu gacanta u galiyo hub ay kala wareegeen ururuka shiiciga ah ee isugu yeera Xisbullah, kaas oo isugu jira nuucyo kala duwan oo loogu tala galay faaragayaashan dagaalka ee casriga ah.
Waxaana xusid mudan in hubkan yuhuuda ay doonayaan in Kyiv ay siiyaan asal ahaan ay soo saartay xukuumada Moscow iyadoona ku wareejisay Iran Irana ay ku qalabeysay ururkeedan hoos yimaada ee Xisbullah.
Sida ay shaacisay safaaradda Ukraine ee Talaabiib go’aankan ayaa yimid kaddib kulan uu safiirka Ukraine la yeeshay wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda yuhuuda ninka lagu magacaabo Sharren Haskell, waxaana dhanka kale lagu waramayaa in Kyiv ay midan uga dhigantahay fursad dahabi ah oo ay kusii wadi karto howgaladeeda, maadaama hubkan ay ku jiraan kuwa ku fadhiya qiimo sare.
Waxaa sidoo kale lagu waramayaa Ukrain ay dooneyso in hubka Ruushka ay wax badan ka barato hab sameyskiisa iyo xadiga kiimikooyinka ku jira qoryaha qaar, taasoo ah talaabo kale oo ay xukuumada Kyiv hormarin balaaran ugu sameynka karto hubkeeda kala duwan uguna dhigi karto kuwa xilli walba loo babac dhigi karo kuwa Moscow.
FAAFREEB PRO