Duqeymo uu maamulka isugu yeera Israa’iil ka geysatay waqooyiga Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 19 qof oo muslimiin reer Filistiin ah waana sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Qaza.
Dhanka kale afhayeenka difaaca madaniga ah Maxamuud Bassal ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhowr gantaal ay ku dhaceen guri saddex dabaq ah oo u dhow isbitaalka Kamaal Cadwaan ee magaalada Beytul Laahiya.
Tobaneeyo qof ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen halkaas, qaar badana ay weli ku hoos jiraan burburka, ayuu hadalkiisa ku daray, warbaahinta Falastiin ayaana sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan sagaal carruur ah.
Ciidamada yuhuuda ayaa dhankooda qirtay fulinta duqeynta iyagoona sheegay iney beegsadeen rag ka tirsan kooxaha muqaawamada Filistiin, taasoo ah beentii ay waligood warbaahinta lasoo istaagi jireen.