Sahaayinada oo Markan Qorsheynaya Weerar Xoogan oo ay ku Qaadaan Iran.

Feb 13, 2025

Maamulka yuhuuda ayaa saacadihii lasoo dhaafay si cad markale u sheegay in muddo aanan fogeyn uu weerar lala amakaago ku qaadi doono xurmaha muhiimka ah ee Nukliyeerka Iran.

Sida uu daabacay wargeyska gumeystaha deegaanadiisa kasoo baxa ee Haaretz, xukuumada Binyamin Natanyaahu ayaa wada qorshe ay weerar ugu qaadeyso xarumaha Nukliyeerka Iran iyadoo markan ogolaashiyo ka raadineysa dhanka Donald Trump iyo guud ahaan siyaasiyiinta jamhuuriyiinta ee hadda la wareegay talada dalka Mareykanka.

Isla qodobkan inagoo ku guda jirna joornaalka Ameerikaanka ah ee Washington Post ayaa isagana dhankiisa xaqiijiyey isagoo soo xiganaya sirdoono u dhashay dalka Mareykanka in maamulka Yuhuuda oo sanadkan doonayo inuu dharbaaxo ka hortag ah ku dhufto Tehran.

Hadaba markii ay xogtan soo baxaday dowladda Mareykanka ayaa aka gaabsatay iney ka bixiso wax falcelin ah, maadaama la yiri sahaayinada Trump ayey markan garab ka heli doonaan si ay u weeraraan Iran.

Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in midan ay hakad hor leh ay galin doonto barnaajimka Nukliyeerka Iran waliba dhowr bilood, maadaama Tehran looga baahanyahay iney gasho heegan buuxa oo ka dhan ah hanjbaadaha laga soo sheegayo dhanka maamulka gumeystaha Yuhuuda.

FAAFREEB PRO