Slawan Momika ayaa lagu dilay halkii uu sanadii 2023 ku gubay kitaabka Quraanka kariimka waliba isagoo aflaagaadeynaya diinta Islaamka.
Slawan Momika oo 38 jir ahaa una dhashay dalka Ciraaq qaab qoxooti Ahaana ugu sugnaa dalka Swedan ayaa habeenimadii xalay meydkiisa laga helay guri uu ka daganaa wadankaas, ninkan ayaa dhowr jeer oo hore gubay kitaabka quraanka kariimka isagoona baraha kala duwan ee Internet-ka ku baahin jiray naceybkiisa diinta islaamka iyo muqadasaadkeeda.
Sida uu ku waramayo wargeyska Yenisafak Ilaa hadda lama shaacin ruuxa sida rasmiga ah u fuliyey toogashada lagu qaarijiyey gaalkan, waxaana baraha kala duwan lagu baahiyey qaabka dilkiisa, booliska Swedan ayaana dhanka kale sheegay iney haayaan ilaa 5 ruux oo ay ku tuhmayaan iney iyaga ka dambeeyaan howgalka walow aysan ku heyn cadeyn buuxda.
Ninkan ayey muslimiinta ugu jireen baadi goob tan iyo markii ay soo ifbaxday shartiisa, balse Allah ayaa ugu dambeyn ka hor leexiyey ummada Islaamka sababayna in isagoo dhiigiisa dhax jiifa ay u yimaadaan warbaahinada kala duwan ee caalamka.
FAAFREEB PRO