Wararka ka imaanaya deegaanno dhaca duleedyada magaalada Muqdisho oo xiga dhanka gobolka gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen iska hor’imaadyo ay dhowr qof ku dhinteen.
Iska hor’imaadyadan oo ka dhacay inta udhaxaysa Balcad iyo degmada Warsheekh waxaa ku lug lahaa maleeshiyaad katirsan kooxda riddada kuwaas oo huriyay colaad udhaxaysa beelo walaalo ah.
Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda degmooyinka Balcad iyo Sh/dhexe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Xaadoole oo katirsan golaha dawaaqiidda kooxda riddada in uu mas’uul ka ahaa colaadda islamarkaana ay maleeshiyaadkiisu dad shacab ah dileen iyagoo hurinaya colaad beeleed.
waxay sheegeen in Xaadoole uu dhowr baabuur oo Tikniko ah udiray deegaannada ay colaaduhu kajiraan islamarkaana uu diiday in ladhax dhaxaadiyo dhinacyadii dagaallamay.
Sarkaal kale oo katirsan maleeshiyaadka kooxda riddada ayaa isna si toos ah ugu lug lahaaday colaadda waxaana baraha bulshada lagu faafiyay isagoo maleeshiyaad murtadiin ah kusii daabulaya goobta dagaalka.
waxgaradka kasoo jeeda degmooyinka Warsheekh iyo Balcad ayaa ugu baaqay dadka dagaallamaya in ay dirirta joojiyaan oo aysan ku dagmin dabinnada ay uqoolayaan saraakiisha murtadiinta ee umuuqda in ay ka macaashayaan hurinta colaadda beelaha.
Gees ka gees colaado udhaxeeya beelo walaala ah ayaa lagasoo werinayaa dalka soomaaliya waxaana colaaddan hurinteeda kaalin weyn ku leh saraakiisha iyo madaxda kooxda riddada, ahaafta ugu waaweyn ee cadowgu ka leeyihiin xamaladaadka ashahadda ladirirnimo ee ay kusoo qaadeen wilaayaatka islaamiga ah waa in ay meesha ka saaraan deganaanshiyaha,nabadda iyo walaalnimada ka dhaxaysa dadka walaalaha ah.
Wilaayaatka islaamiga ayaa ah meelaha ugu nabadda badan dalka Soomaaliya waxayna mujaahidiintu juhdi dheeraad ah ku bixiyeen ka hortagga dirirta beelaha waxaana khilaaf walba lagu xalliyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.