Labo Sargaal oo Katirsan Maamulka Ridada Koonfur Galbeed Ayaa Lagu Dilay Dagmada Diinsoor Kadib Marki uu Toogtay Isla Askari Katirsan Maamulkaasi
Wararka ka imaanaya dagmada Diinsioor ee gobolka Baaya ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaasu uu ka dhacay weerar lagu dilay saraakiil katirsan maamulka ridada Koonfur Galbeed.
Dilkaan ayaa waxaa ka danbeeyay mid kamid ah maleeshiyaatka ridada, waxaana la sheegay in labo sargaal uu ku toogtay gudaha saldhiga dagmada Diinsoor.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay in mudo ah maqlayeen rasaas xoogan oo la is waydaarsanayay, taas oo dhaxmartay maleshiyaatka Laftagareen iyo askariga weerarka qaaday.
Ninka dilay saraakiishaan katirsan maamulka ridada Koonfur Galbeed ayeey wararku sheegayaan in isaga oo dhaawac ah uu isaga baxsaday magaalada.
Xaalad kacsanaan ah ayaa maana ka taagan magaalada Diinsoor kadib dhacdadii xalay ka dhacday, saraakiisa maamulka ridada ee dagmada ayaana waxaa soo foodsaaray cabsi ay ka qabaan maleeshiyaatkooda.
Ma ahan markii ugu horaysay oo askari katirsanaa maleeshiyaatka ridada uu fuliyo weerar nuucaan oo kale ah oo uu ku dilay saraakiishiisa, askarta ridada ayaana toogta saraakiishooda hadii ay soo kala dhaxgalaan muran, mararka qaarna waxaa dhacda in ayba falkaasi ku dhaqaaqaan iyaga oo cabsan.