Saraakiil Yuhuud ah oo Markale is Casishay.

Sep 13, 2024

Waxaa lagu soo waramayaa in saacadihii lasoo dhaafay uu is casilay taliyihii sirdoonka Yuhuuda ee 8200 ninka lagu magacaabo Yossi Sharel iyo taliyaha Booliiska daanta galbeed ee uu gumeystuhu xooga ku heysto Jen Uzi Levy.

Sirdoonka 8200 waa midka ugu sarreeya sirdoonka Yuhuuda, waxayna masuul ka yihiin warqabka dhaqdhaqaaqa kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo halka ay ku soo dhacdo xogta bariga dhexe.

Sida lagu soo waramayo waxaa jira khilaaf laamaha ammaanka Yuhuuda iyo Netanyahu oo la xiriira habka dagaalka, xilli si kala duwan is casilaada saraakiishan ay uga hadashay warbaahinta Yuhuuda iyo mida dibadaba.

Dhanka kale Netanyahu ayaa ku cadaadinaya saraakiisha amniga inay diyaariyaan qorshe dagaal oo ay ku qabsanayaan koonfurta Lubnaan illaa ballaarinta duulaanka Daanta Galbeed.

Waxa uu cadaadiskan sababay in saraakiil bada ay kurisiga isaga dagaan, halka askar tira beel ahna ay maalin walba nafta isdhaafinayaan kadib markii ay u adkeysan waayeen dhiig baxa daran ee ku socda.

FAAFREEB PRO