Saraakil Katirsan Maamulka Galmudug oo Lagu Dilay Dhuusamareeb.

Dec 24, 2024

Sarkaal ka tirsan maleeshiyaadka maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug ayaa lagu dilay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta u ah maamulkaasi:

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu khaarajiyay sarkaal ciidan oo ka tirsan booliiska maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Galmudug.

Sarkaalkan oo darajadiisa ciidan ahayd laba xidigle Booliis ah, ayaa si gaara loogu dilay agagaarka cisbitaalka wayn ee Dhuusarameeb, ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in nin kale oo askari uu xabad ku dhuftay sarkaalkaasi, taasi oo keentay in uu goobta ku qurbaxo.

Sarkaalka la khaarajiyay ayaa maamul goboleedka Riddada ah ee Galmudug ugu magacownaa taliyaha waxay ugu yeeraan howlgelinta booliiska Galgaduud, waxaana lagu magacaabi jiray Xassan Quuri.

Ninka dilka gaystay ayaa la wariyay in uu goobta ka baxsaday, goor dhow oo barqadii maanta ah ayuu maamulka uu madaxa u yahay Qoorqoor shaaciyay inay gacanta ku dhigeen askariga ka dambeeyay dilka.

Ma ahan dhacdadii ugu horraysay dil ah oo laga soo tabiyo Dhuusa-mareeb, dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale magaaladaasi looga diiwaan geliyay askar isku dishay iyo sidoo kale maleeshiyaad dad shacab ah si bareer ah u dilay.